LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Laftagareen oo booqanaya furimaha dagaalka, xilli xiisad ka taagan tahay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa la filayaa in maanta uu booqdo furimaha hore ee dagaalka ee duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Booqashada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid lagu dhiirigelinayo ciidamada ku jira jiidda hore ee dagaalka, kuwaas oo difaac adag uga jira weerarro ay kusoo qaadaan kooxaha mucaaradka ah, iyagoo ka hortagaya in khatar lagu geliyo amniga magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, si uu ugu kuurgalo xaaladda amni ee deegaanka iyo baahiyaha ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu ciidamada ku bogaadiyo howlkarnimada iyo geesinimada ay muujiyeen, isagoo ku boorin doona inay sii laba jibaaraan dadaallada ay ku difaacayaan deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan xarunta gobolka Baay.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay weli taagan tahay xiisad amni oo ka jirta duleedka Baydhabo, taas oo u baahan feejignaan iyo isku duubni dheeraad ah oo ka timaada ciidamada iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *