Maxaa ka jira in Lafta-gareen uu wada-hadal ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh?.

Sida uu baahiyay Tv-ga Universal Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisey in Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu dalbaday in Wadahadal lagala galo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya.
Xogta uu helay Tv-ga ayaa xaqiijisay in fariinta dalabka wada hadalka Lafta-gareen uu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo marsiiyey xubno ka ag dhaw Madaxweynaha balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayey wararku sheegayaan inuu ku gacan seeray wada-hadalka Laftagareen ku dalbaday in Villa Somalia ay kala gasho xaaladda ka taagan deegaanada Koonfurgalbeed maadaama sida madaxweynuhu u sheegay xubnihii ergada ka ahaa Madaxweynaha KGS Dowladdu ay go’aan ka gaartay malafka maamulkaasi.
Dhinaca kale Madaxyooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beenisay in Madaxweyne Laftagareen uu wada-hadal ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada KGS Maxamed Deeq Cali Ibraahim.







