Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay

Labo duqeyn oo dhinaca cirka ah ayaa laga fuliyay deegaanka Labo-Garas ee duleedka degmada Cadalle, gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 20 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegayaan warar hordhac ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalamayaashan la beegsaday xilli ay ku sii jeedeen ama ay ka qaybgalayeen shir ka socday deegaanka Labo-Garas, iyadoo la sheegay in duqeyntu si gaar ah u bartilmaameedsatay goob ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in hoggaamiye aan weli magaciisa la shaacin uu ka mid ahaa dadka lagu dilay weerarkaasi.
Duqeyntan ayaa imanaysa xilli Al-Shabaab ay wajahayaan cadaadis xooggan oo isugu jira weerarro cirka iyo dhulka ah, kuwaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay lagu bartilmaameedsanayay saldhigyo iyo hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta duqeyntan, mana jirto war cad oo ka soo baxay dhinacyada fuliyay weerarka cirka.
Xaaladda deegaanka Labo-Garas ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha iyo maalmaha soo socda.









