LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jubbaland oo howlgal ku dishay Xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal milatari oo qorsheysan ka fuliyay degaanka Qombi oo qiyaastii 30km u jira Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid ka hortag ah kadib markii ay heleen xog sirdoon oo muujineysa in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku aruursanayeen degaankaasi, isla markaana qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada Jubbaland.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si xooggan u dhacay, iyadoo ciidamada ay beegsadeen goobihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Saraakiishu waxay sheegeen in ugu yaraan sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarkaasi.

Sidoo kale, ciidamada Jubbaland ayaa weli wada howlgallo dheeraad ah oo ay ku baadi-goobayaan xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la rumeysan yahay inay ka firxadeen goobta.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aaddan khasaaraha lagu gaarsiiyay weerarkaasi, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ay War rasmi ah oo faah faahsan ay kasoo saaraan howlgalkaas ay ka fuliyeen degaanka Qombi ee Gobolka Jubbada Hoose.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *