Madaxweyne Xasan Sheekh & Beesha Caalamka oo kulan xasaaasi ah yeelanaya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah u dirtay dhammaan wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo fadhigoodu yahay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in wakiilada diblomaasiyadeed lagu casuumay kulan muhiim ah oo ka dhici doona xarunta Madaxtooyada Qaranka (Villa Somalia) maalinta Isniinta ah ee ku beegan 30-ka Maarso 2026, saacadda marka ay tahay 11:00 subaxnimo.
Kulankan oo ah “Diplomatic Briefing Session” ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu warbixin faahfaahsan ka siiyo xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka iyo sidoo kale xaaladda bani’aadanimo ee kajirto Soomaaliya.
Wararka ayaa tilmaamaya in kulankan uu imanayo xilli ay jirto walaac sii kordhaya oo ay beesha caalamka ka qabto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, iyo xasiloonida guud ee dalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ka codsatay dhammaan ergada la casuumay inay xaqiijiyaan ka qaybgalka kulanka, si loo fududeeyo diyaarinta howlaha la xiriira martigelinta.










