Iran oo bur burisay Diyaarad qeyb ka aheyd dagaalka Bariga Dhexe

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in weerar gantaallo ah oo la tuhunsan yahay inay fulisay Iran uu sababay khasaare ka dhacay saldhigga militariga ee Prince Sultan Air Base ee ku yaalla dalka Sacuudi Carabiya.
Sida ay muujinayaan xogaha la helay iyo sawirro la baahiyay, mid ka mid ah diyaaradaha ciidamada Cirka Mareykanka ayaa la sheegay inuu si weyn u burburay kadib weerarka, iyadoo warbaahinta reer galbeedka qaarkood ay tilmaameen in ilaa 13 diyaaradood ay waxyeello kala duwan soo gaartay. Diyaaradahaas ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwa shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha dagaalka, taas oo muhiim u ah hawlgallada militari.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in 102 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, inkastoo aan weli jirin xaqiijin rasmi ah oo ka timid dowladda Mareykanka ama mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay duqeymo ay Iran ka fulisay saldhigyo militari oo ku yaalla gobolka Bariga Dhexe, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhaxeeya Tehran iyo Washington. Waxaa horey loo sheegay in saldhiggan Prince Sultan uu marar kala duwan bartilmaameed u noqday weeraro la xiriira colaadaha gobolka.
Ilaa hadda, ma jirto war rasmi ah oo si buuxda u xaqiijinaya khasaaraha la sheegay, waxaana suurtagal ah in xogta ay is beddesho marka ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.









