Wararka sheegaya Mooshinka ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo baxay & Guddoomiye Aadan Madoobe….

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar maalmihii u dambeeyay si weyn loogu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweynaha.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu caddeeyay in aanu jirin wax mooshin ah oo soo gaaray guddoonka Golaha Shacabka, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan wax sal iyo raad ah lahayn.
“Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu si cad u cadeynayaa in uusan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray, islamarkaana ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyay baraha bulshada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Guddoonka Golaha ayaa sidoo kale xusay in Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo hannaan sharci ah oo hufan oo qeexaya habraacyada lagu maamulo howlaha baarlamaanka, isla markaana aysan jirin wax tallaabo ah oo la qaaday oo la xiriirta mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay bulshada iyo warbaahinta inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, ayna ku kalsoonaadaan wararka rasmiga ah ee kasoo baxa hay’adaha dowladda.










