Taliye Shub oo aan xilka wareejin iyo taliyaha cusub oo…

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka maqnaa taliyihii hore ee xilka laga qaaday, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyadoo xilka uu si ku-meel-gaar ah u wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka, Cilmi Waasuge.
Taliyaha cusub, S/G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa si adag uga hadlay baahida dib-u-habeyn iyo tayeyn lagu sameeyo Ciidanka Asluubta. Wuxuu tilmaamay in aan la kala garan karin askar iyo shacab, taas oo uu ku tilmaamay mid u baahan in wax laga qabto.
“Ciidanka Asluubta waa inay noqdaan ciidan dhisan oo leh nidaam iyo kala dambeyn. Laga bilaabo Janaraal ilaa Dable, waa in la diyaariyaa tababar buuxa,” ayuu yiri taliyaha cusub.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono askarta aan lahayn aqoon aasaasi ah, isagoo xusay in askari aan qori karin Far Soomaaliga ama isticmaala maandooriyaha jaadka aan ka sii mid ahaan karin ciidanka.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin sababta uu xilka ugu wareejin waayay taliyihii hore, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, inkastoo wararku sheegayaan inuu ku jiro xaalad xabsi guri ah.









