Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga dhigtay Saraakiil diiday weerar lagu qaado Baydhabo

Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku xirtay afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay diideen inay hoggaamiyaan dagaalka ka socda deegaannada ku dhow Baydhabo.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo uu jiro jahwareer xooggan oo ka taagan hoggaanka iyo abaabulka dagaalka, kadib markii saraakiishan ay ka biyo diideen amar lagu faray inay hoggaamiyaan ciidamada ku sugan furimaha hore.
Dhanka kale, sarkaal lagu magacaabo Saahid Jareere ayaa maanta diyaarad lagu keenay degmada Buur-hakabo, iyadoo la sheegay in loo wado inuu qabto hoggaanka howlgalka dagaal. Saahid Jareere ayaa horay u soo noqday taliye ka tirsanaa guutooyinka Gor-Gor, wuxuuna ka soo jeedaa gobollada Gedo iyo Galgaduud.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan duleedka deegaanka Daynuunay ay wajahayaan jahwareer la xiriira qaabka loo wajahayo dagaalka iyo hoggaaminta ciidanka, taas oo saameyn ku yeelatay diyaar garowga howlgalka.
Xaaladda ayaa weli cakiran, iyadoo la sugayo sida ay Dowladda Federaalka u xallin doonto khilaafka ka dhex jira saraakiisha iyo saameynta uu ku yeelan karo dagaalka ka socda gobolka Baay.









