Dowladda Somalia oo Golaha Mustaqbalka ugu hanjabtay xarig iyo maxkamadeyn

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ee isku magacaabay Golaha Mustaqbalka, isaga oo ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan dano shisheeye oo lid ku ah qarannimada dalka.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay xiriir la leeyihiin dowlado shisheeye, isla markaana ay qabtaan shirar dibadda ah oo uu ku tilmaamay kuwo lagu wiiqayo dowladda dhexe. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay qaar ka mid ah inay taageero siiyaan maleeshiyada Al-Shabaab.
“Kooxdan waa daba-dhilif u adeegaya dano shisheeye, mana ahan kuwo ka shaqeynaya horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka.
Dhanka kale, Wasiir Fiqi ayaa ku dhaliilay Golaha Mustaqbalka inay u hambalyeeyeen hoggaamiyeyaasha sida Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay qabteen doorashooyin uu ku tilmaamay “boob”, halka aysan hambalyo u dirin maamulka Waqooyi Bari oo uu sheegay inuu muddo dheer ku dhisnaa hannaan kala guur ah.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah xubnaha Golaha Mustaqbalka, isagoo tilmaamay in la xiri doono islamarkaana la horgeyn doono maxkamad.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, taas oo muujineysa xaalad siyaasadeed oo weli cakiran.









