LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Khilaaf ka taagan cidda Maamuleysa Baydhabo, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh…

Khilaaf xooggan ayaa ka taagan cidda la wareegaysa xafiiska Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyadoo ay ku loolamayaan beelo kala taageersan dhinacyada kala ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Safiir Ilyaas iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Sadaad Maxamed Caliyow.

Labada dhinac ayaa dadaal ugu jira cidda loo magacaabi lahaa Guddoomiyaha degmada, xilkaas oo horey u hayay guddoomiye ku heyb ahaa siweyna ula shaqeyn jiray madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Muranadan ayaa yimid xilli dhinacyadu ay sheegayaan in dagaallo hore oo ka dhacay Baydhabo ay ku waayeen askar, saraakiil iyo hanti, taasoo sii hurisay xiisadda ka taagan maamulka degmada.

Dhanka kale, magaalada Awdiinle oo ay ku sugan yihiin ciidamada ka baxay Baydhabo ee taageersan Laftagareen, ayaa waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen ciidamadaasi iyo Ugaaska beesha Wasiir Roobow, kaasoo safar ku tegay halkaasi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ciidamada iyo gaadiidkooda dib loogu celin lahaa Baydhabo.

Qaar ka mid ah xubnihii kulanka ka qeyb galay ayaa ku dooday in haddii ay dib ugu laabanayaan Baydhabo ay u baahan yihiin dammaanad buuxda oo ku saabsan badqabka naftooda iyo hantidooda.

Ugaaska ayaa dib ugu laabtay Baydhabo, waxaana la filayaa inuu bilaabo dadaallo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada isku haya xilka, isaga oo kulamo la qaadan doona masuuliyiinta dowladda federaalka ee ku sugan magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *