LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka xoogga dalka oo fuliyay weeraro khasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalada ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Jeexin, Gadoon, Xabeeble, Geedasamo, Ceyn Deedo iyo deegaano kale oo ku dhow, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxdaasi gabaad ka dhigatay.

Intii ay howlgaladu socdeen, ciidamada ayaa burburiyay dhowr saldhig oo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen falal ay ku dhibaateeyaan shacabka rayidka ah.

Dhanka kale, subaxnimadii hore ee maanta, ciidamada ayaa weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaad ku socdaalayay waddada xiriirisa deegaanada Aboorey iyo Cadow-Gurey. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay gubeen gaari ay wateen maleeshiyaadka, isla markaana ay halkaas ku dileen xubno ka tirsanaa kooxda.

Howlgaladan isdaba jooga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan firxadka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaanada gobolka Hiiraan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *