FEATUREDLATEST NEWSWARARKA

Beesha Laftagareen oo shuruud hor-dhigtay hoggaamiyaha KMG ah ee KGS

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan qaatay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta, odeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo ganacsatada ka soo jeeda Beesha Hariin ee uu ka dhashay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada, dardargelinta horumarka deegaanada, iyo ka tashiga xaaladaha amniga iyo siyaasadda ee ka jira gobolka.

Madaxweynaha ayaa dhageystay talooyin iyo aragtiyo ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha kulanka isagoo xusay muhiimadda ay leeyihiin wada shaqaynta iyo Hormarka deeganka.

 

Madaxweyne Jabriil ayaa adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay ka shaqeynta midnimada bulshada horumarinta adeegyada Dowliga ah iyo dhiirrigelinta doorka ganacsatada iyo aqoonyahannada ee dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Hariin ay ka dalbadeen in xaquuqdooda uu ilaaliyo si ay ula Shaqeeyaan.

Odeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo ganacsatada Beesha Hariin ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda, iyagoo muujiyay diyaar u ahaanshahooda inay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara iyo nabadgelyo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *