Dowladda Soomaaliya oo soo farogelisay tallaabadii Mareykanka cunaqabateynta ku saaray Aadan Madoobe..

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg-deg ah u xallisay muran la xiriiray diidmada safarka masuuliyiin Soomaaliyeed oo u socday dalka Maraykanka, kadib dadaallo diblumaasiyadeed oo heer sare ah oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Safiirka Soomaaliya ee Washington, Danjire Daahir Carab, ayaa wada-hadallo muhiim ah la yeeshay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, kuwaas oo lagu gaaray is-afgarad lagu xallinayo caqabadihii taagnaa, sida ay ogaatay Inside Somalia.
Is-afgaradka ayaa dhigaya in diblumaasiyiinta iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee u safraya shirarka caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka, ama kulamo rasmi ah oo ay la leeyihiin saraakiisha Maraykanka, aan la hor istaagin safarradooda.
Dhanka kale, dowladda Maraykanka ayaa ballan qaaday inay si weyn u tixgelin doonto safarrada shaqo ee madaxda hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya si rasmi ah u soo gudbiso liiska masuuliyiinta (List) iyadoo u maraysa Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.
Maraykanka ayaa sidoo kale caddeeyay in arrimaha fiisaha aysan ahayn kuwo lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiin Soomaaliyeed ama tallaabo gaar ah oo ka dhan ah madaxda dalka, balse ay la xiriiraan siyaasadda socdaalka ee uu dejiyay madaxweynihii hore ee Donald Trump, taas oo xaddidaysa gelitaanka muwaadiniinta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Ugu dambeyn, Maraykanka ayaa sheegay inuu diyaarinayo qaraar u oggolaanaya safarrada shaqo ee madaxda dowladda heerarkooda kala duwan, si loo fududeeyo wada-shaqeynta iyo ka qeybgalka shirarka caalamiga ah.









