LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Diyaarado Sida Hub & Ciidan oo Ka Degay Dhuusamareeb, Xilli Qoor qoor uu ka maqan yahay

Laba diyaaradood oo sida hub iyo saanad ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saanaddan cusub ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka, si loo dardargeliyo hawlgallada amniga ee ka socda gobollada bartamaha Soomaaliya.

Qalabkan ciidan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu taageero cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaannada Galmudug, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxaha amni-darrada,waxaana Galmudug ay kamid tahay Goobaha ay dowladda Soomaaliya dooneyso inay ka qabato doorashooyinka qof iyo codka ah

Sidoo kale, imaanshaha saanaddan ciidan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo halkaasi ka wada qorsheyaal la xiriira amniga iyo xasilinta gobolka Galgaduud.

Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaallada sii kordhaya ee dowladda iyo maamul goboleedyada ay ku xoojinayaan awoodda ciidamada, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo xasillooni dalka oo dhan ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *