Author: Banaadir24 Editor

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in maanta magaalada Baydhabo ay ku wajahan yihiin wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddigaasi. Wefdigan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Madaxa Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, Cabdiraxmaan Abuukar Maxamed, oo dhowaan xilka loo magacaabay. Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan oo ka socda magaalada Baydhabo, iyadoo dhinaca kale ay iyaguna ku wajahan yihiin xubno xildhibaano ah oo ka tirsanaa siyaasiyiintii taageersanaa maamulkii hore ee Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay doonayaan in ay xoojiyaan…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyay in siyaasiyiintii ku sugneyd magaalada Baydhabo, kuwaas oo qayb ka ahaa xiisadaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana kasoo horjeeday hoggaanka Cabdicasiis Laftagareen ay si degdeg ah ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa si cad ugu sheegay xubnahan in aysan jirin sabab sharci ama siyaasadeed oo ay ugu sii nagaadaan Baydhabo, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira doorashada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ay go’aan ka gaari doonaan Guddiga Doorashooyinka, oo keliya. Go’aankan ayaa la sheegay inuu niyad jab ku noqday qaar badan…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka Madaxweynaha iyo Hoggaanka Guud ee Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, dardargelinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed, gurmadka abaaraha iyo kaalinta Odayaasha dhaqanka ee dowlad-dhiska iyo la dagaallanka AS. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha Dhaqanka la wadaagay muhiimadda ay leedahay in ay door firfircoon ka qaataan dadaallada dalka looga hirgalinayo doorashooyinka Qof iyo Cod, si shacabka…

Read More

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sii wada isbeddellada dhanka amniga, iyadoo taliye cusub u magacawday Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa si rasmi ah u magacaabay Macalin Saalax Cabdinuur Cali oo noqday taliyaha cusub ee laanta Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed. Macalin Saalax ayaa horay u soo noqday taliye ka tirsan Ciidamada Dharcadka ee Ilaalada Shacabka ee ka howlgala magaalada Muqdisho, kuwaas oo door muuqda ka qaatay sugidda amniga caasimadda, gaar ahaan xilliyadii ay jireen howlgallada amni ee lagu xasilinayay magaalada. Magacaabistan ayaa imaaneysa xilli…

Read More

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad, uu maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in halkaasi la geeyay hub culus, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin ujeedka ka dambeeya tallaabadaasi. Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in la qoray ku dhawaad 300 askari oo la sheegay inay ka mid noqonayaan ciidamada NISA, kuwaas oo la diyaarinayo in ay ka howlgalaan deegaannada Galmudug. Dhanka kale, waxaa isa soo taraya hadal-heyn la xiriirta damac siyaasadeed oo la sheegay inuu…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada. Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta. Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kula kulmay shacabka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka ayaa kormeeray xaaladda amniga iyo horumarka laga sameeyay sugidda xasilloonida. Booqashadiisa ayaa muujinaysa dadaalka dowladda ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay bulshada iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka. Wasiirka ayaa shacabka ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee nabadeynta iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo khataraha amni, isla markaana la sii xoojinayo wada shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo ciidamada…

Read More

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ku saabsan ka-reebitaanka fiisaha ee loogu talagalay dadka sita baasaboorada diblomaasiyadeed, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Heshiiskan ayaa lagu ansixiyay kulankii labaad ee Golaha Wada-hadalka Siyaasadeed ee labada dal oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo mas’uuliyiin sare ay isku arkeen si ay uga wada hadlaan iskaashi ballaaran. Kulanka waxaa dhinaca Soomaaliya hoggaaminayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamse Aadan Haadow, halka dhinaca Suudaan uu matalayay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Muawiya Osman Khalid. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu gaaray magaalada, waxaa soo baxaya su’aalo la xiriira dhaqdhaqaaqiisa iyo kulamada uu halkaasi ka wado oo aan si rasmi ah loo shaacin. Madaxweynaha ayaa safarradii hore ee uu ku tegi jiray dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed, la wadaagi jiray kulamo uu la qaato madaxda maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si joogto ah loogu baahin jiray baraha bulshada iyo warbaahinta dowladda. Hase yeeshee, safarkan ayaa u…

Read More

Kadib dagaalkii culus ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa waxaa soo baxaya faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkaasi. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay laba xero oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo, kuwaas oo kala ah xerooyinka Towfiiq iyo Bukriyeey, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidanka dowladda. Wararka la helayo ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu sababay dhimashada ugu yaraan laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cali Dharaan iyo Gubad Galoole. Sidoo kale…

Read More