LATEST NEWSLOCAL NEWSUncategorisedWARARKA

Jabhad hubeysan oo dagaal adag la gashay Ciidamada Somaliland

Ciidamada milateriga Somaliland ayaa hawlgal nabadeed oo lagu sugayo amniga ka fuliyey deegaanno dhaca galbeedka Somaliland, gaar ahaan aagga Gar-gaara ee ku dhow gobolka Saylac.

Hawlgalka ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan oo abaabulan ay isku dayeen inay duullaan ku qaadaan dhulka Saylac, iyagoo ka soo galay dhinaca galbeed. Ciidamada Somaliland, oo ay hoggaaminayeen taliyeyaasha ugu sarreeya, ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarkaasi, inkastoo ay la kulmeen iska caabin kooban.

Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay ku guulaysteen inay ka adkaadaan kooxihii hubaysnaa, isla markaana ay gacanta ku dhigeen dhowr baabuur oo ay saarnaayeen qoryo culus. Sidoo kale, ciidamada ayaa la wareegay fariisimihii ay jabhaddu ku sugnaayeen.

Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka xuduudka Itoobiya, iyagoo ka cararay saanad ciidan oo badan oo ay ka tageen goobta, taasoo ay la wareegeen ciidamada Somaliland.

Dhanka kale, guud ahaan gobollada Awdal iyo Salal waxaa ka socda dadaallo xooggan oo lagu xoojinayo amniga, gaar ahaan deegaannada xeebaha galbeedka. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, deegaannadan waxaa ka dhacay iska horimaadyo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo kordhay.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga deegaannada galbeedka dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *