Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo Maanta war cusub ku dhawaaqaya

Guddiga Doorashooyinka ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay si rasmi ah u shaaciyaan jadwalka doorashooyinka isku sidkan ee ka dhici doona dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo qorshuhu yahay inay qabsoomaan dabayaaqada bisha Abriil.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa la sheegay inuu ku jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ku aaddan ku dhawaaqista jadwalkan muhiimka ah, kaas oo qeexaya habraaca iyo waqtiga la qabanayo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee dowlad-goboleedyadaasi.
Doorashooyinkan isku sidkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka shacabka, iyadoo markii ugu horreysay si wadajir ah loo qabanayo doorashooyin heer deegaan iyo heer dowlad-goboleed.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado weli taagan oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka doorashooyinka. Degmooyin ka mid ah gobolladaasi ayaan weli si buuxda looga bilaabin qaybinta kaararka codbixinta, halka meelo kale oo ka tirsan Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ay weli ka jiraan xaalado amni darro oo ay sabab u tahay joogitaanka maleeshiyada Al-Shabaab.
Caqabadahan ayaa keeni kara dib u dhac ama saameyn ku timaada qorshaha doorashooyinka, inkastoo guddiga doorashooyinka uu dadaal xooggan ugu jiro sidii loo xaqiijin lahaa qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah.









