LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ganacsade Reer Puntland ah oo isku-day dil ka badbaaday

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu beegsaday ganacsade lagu magacaabo Cabdilaahi Cabdirisaaq Ismaaciil, oo ka tirsan maamulka shirkadda Bulsho, kaasoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka PMPF uu rasaas ku furay gaariga uu watay ganacsadaha, iyadoo la tilmaamay in ciidankaas ay taageero ka helaan Imaaraadka Carabta.

Ganacsade Cabdilaahi Cabdirisaaq Ismaaciil ayaa warbaahinta u sheegay inuusan weli garanayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka. Wuxuu xusay in rasaas xooggan lagu furay gaarigiisa, islamarkaana xabado dhowr ah ay si halis ah uga ag dhaceen, balse uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in maalmahan dambe ciidanka PMPF ay ka wadeen magaalada Boosaaso falal la xiriira dhac iyo qalalaase, arrintaas oo walaac ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada.

Dhanka kale, dad shacab ah oo goobta ku sugnaa ayaa si degdeg ah u gurmaday, iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan askarigii weerarka fuliyay. Waxaa la sheegay in shacabka ay hubkii ka furteen askariga, ugu dambeynna gacanta ku dhigeen, isagoo haatan ku xiran xabsi.

Maamulka iyo laamaha ammaanka ayaa weli baaraya dhacdadan, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxdo saacadaha ama maalmaha soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *