DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Markabka turkiga ee qodi lahaa Shidaalka oo soo gaaray Xeebaha Soomaaliya

Markabka sahminta shidaalka ee Turkiga laga leeyahay ayaa si rasmi ah u gaaray xeebaha Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Turkiga Alparslan Bayraktar. Markabkan oo lagu magacaabo Çağrı Bey ayaa qeyb ka ah dadaallada iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in marxaladda xigta ay noqon doonto bilaabista howlaha qodista shidaalka, kuwaas oo la filayo inay dhowaan ka curtayaan gudaha biyaha Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyadii ay wada gaareen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

“Markabkeenna Çağrı Bey wuxuu si nabad ah ku gaaray Soomaaliya, waxaana qorshuhu yahay in si dhaqso ah loo billaabo howlaha qodista shidaalka,” ayuu yiri Wasiir Bayraktar, isaga oo muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan guusha mashruucan.

Howlahan cusub ayaa sidoo kale la socon doona sahmin ballaaran oo lagu baarayo goobo kale oo ay suurtagal tahay in laga helo shidaal iyo macdan kale, taasoo qeyb ka ah qorshaha labada dal ay ku doonayaan in lagu xoojiyo horumarka dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Iskaashigan u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista fursado shaqo iyo sare u qaadista awoodda Soomaaliya ee dhinaca tamarta mustaqbalka dhow.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *