Taliyaha Ciidanka Haramcad iyo Ciidamo uu wato oo gaaray Magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, Dhamme Cabdixakiim Ceeldheer, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka bilaabay socdaal shaqo oo uu ku marayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha ayaa kormeer ku sameyn doona taliska gaarka ah ee Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin Baydhabo, si loo xoojiyo howlaha sugidda amniga, gaar ahaan xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin muhiim ah. Ciidanka Haramcad oo dhawaan la geeyay magaalada ayaa door weyn ka qaadanaya xasilinta iyo ilaalinta amniga guud.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Dhamme Cabdixakiim Ceeldheer uu kulamo la yeesho saraakiisha ciidanka, isagoo adkeyn doona qorshaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada magaalada iyo deegaannada ku xeeran.
Dhinaca kale, Ciidamada Haramcad ayaa horey loo geeyay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftaagareen.









