Macawiisleyda Gobolka Hiiraan oo khaarijiyay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa xalay fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas.
Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaankaasi. Sida ay sheegeen ilo ka tirsan Macawiisleyda, bartilmaameedka ugu weyn ee weerarka wuxuu ahaa horjoogayaal sare oo lagu eedeeyay inay dhibaatooyin ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul.
Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in howlgalka uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana lagu khaarajiyey xubno sare oo ka tirsan kooxda la beegsaday. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ciidamadu ay heleen xog sugan kahor inta aysan qaadin weerarka.
Hoggaamiyaha ayaa intaas ku daray in faahfaahin dheeraad ah iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka la soo bandhigi doono saacadaha ama maalmaha soo socda.
Howlgallada noocan oo kale ah ayaa kusoo badanaya gobolka Hiiraan, iyadoo Macawiisleyda ay kordhiyeen dadaallada ay kula dagaallamayaan kooxaha hubeysan ee ku sugan deegaannada miyiga ah.









