Duqeyn xoogan oo lala beegsaday Al-Shabaab is aruursanayay & khasaaro ka dhashay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay saacadihii la soo dhaafay duqeymo culus ka fuliyeen deegaan u dhow degmada Masaajid Cali Gaduud.
Duqeyntan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceelka Cali Salaad, halkaas oo dhowr gantaal lagu garaacay howd ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Goobta la beegsaday oo lagu magacaabo Howdka Khadiija Weyn ayaa la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno iyo gaadiid dagaal.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, duqeynta ayaa sababtay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in gaadiid dagaal oo yaallay goobtaasi lagu gubay duqeynta.
Goobta la duqeeyay ayaa weli laga arkayaa uuro iyo holac, waxaana sidoo kale laga maqlayaa qaraxyo iyo qeylo dhaan xooggan oo ka imaanaya halkaasi.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama taliska ciidamada ee ku aaddan duqeyntan.









