Xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo baaq deg deg ah soo saaray

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo ay ugu yeerayaan hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka inay si dhaqso leh gargaar u gaarsiiyaan shacabka ku nool deegaannadaas.
Xildhibaannada ayaa sheegay in isku darka abaaro daba dheeraaday iyo colaado soo noqnoqday ay sababeen xaalad bini’aadannimo oo aad u daran. Bulshada ku nool Koonfur Galbeed ayaa wajahaysa dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka mid yihiin cunto yari, biyo la’aan iyo hoos u dhac ballaaran oo dhanka nolosha ah.
Warbixinta ayaa si gaar ah u xustay in carruurta, haweenka iyo dadka barakacayaasha ah ay yihiin kuwa ugu nugul xaaladdan adag. Kooxahan ayaa la ildaran nafaqo darro baahsan iyo adeegyo caafimaad oo aad u kooban, halka xeryaha barakacayaasha ay noqdeen kuwo aad u ciriiri ah oo aan dabooli karin baahiyaha aasaasiga ah.
Xildhibaannadu waxay sidoo kale tilmaameen in abaaraha iyo colaadaha ay si weyn u saameeyeen ilihii nololeed ee dadka deegaanka, gaar ahaan xoolihii iyo beerihii ay ku tiirsanaayeen. Taas ayaa sababtay in qoysas badan ay waayaan awooddii ay ku dabooli lahaayeen baahiyahooda maalinlaha ah, iyadoo heerka saboolnimaduna uu sare u kacay.
Ugu dambeyn, xildhibaannada ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si wadajir ah uga jawaabaan xaaladdan deg-degga ah, si loo badbaadiyo nolosha shacabka ku dhibaataysan Koonfur Galbeed.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.











