DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Duuliyihii Mareykanka oo si dirqi ah looga soo badbaadiyay Iran

Sida ay sheegtay FOX NEWS, dhammaan ciidanka Mareyanka ee howlgalkan fuliyey ayaa ka baxay gudaha Iran, waxayna sheegteen in aan waxba khasaare ah soo gaarin dhankooda.

Sida ay warisay FOX News, waxaa si nabad ah loo soo badbaadiyey duuliyihii labaad ee diyaarad nooca F-15 ah oo horay loogu la’aa gudaha dalka Iran. Ciidanka Mareykanka ayaa xaqiijiyey in duuliyaha la helay isagoo bad qaba.

Hawlgalka badbaadinta oo bilowday subaxnimadii Jimcaha ayaa lagu tilmaamay mid aad u adag oo heer sare ah (complex operation), maadaama uu ka socday gudaha Iran, halkaas oo ay si xooggan uga hortageen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhammaan ciidamada Mareykanka ee fuliyey howlgalka ay si nabad ah uga soo baxeen gudaha Iran, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *