LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Beelaha Hawiye iyo Dir oo loolan adag ugu jira helida Kursiga Madaxweyne Ku-xigeenka Koonfur Galbeed

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa soo baxaya loolan xooggan oo ku saabsan cidda heli doonta xilka Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in beelaha Hawiye iyo Dir, gaar ahaan Beesha Biimaal, ay si weyn isugu hayaan kursiga Madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo dhinac walba uu wado dadaallo siyaasadeed oo uu ku doonayo in uu ku helo xilkaas muhiimka ah.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa Baydhabo kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka, saraakiisha amniga iyo dhallinyaro ka socotay deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ee hoos taga maamulka Koonfur Galbeed. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta dowladnimada iyo xasilloonida, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulankaasi uu qeyb ka ahaa la-tashiyo siyaasadeed oo lagu doonayo in Beesha Biimaal ay hesho kursiga Madaxweyne ku-xigeenka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Beesha Hawiye ayaa iyaduna wada dadaallo xooggan oo ay ku doonayso xilkaas, waxaana jira siyaasiyiin ka soo jeeda beeshaas oo u tartamaya kursiga, oo uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, xildhibaan Cali Xaaji, oo haatan ku sugan Baydhabo.

Ilaa iyo hadda lama oga sida Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay u maareyn doonto loolankan siyaasadeed ee ka taagan kursiga Madaxweyne ku-xigeenka Koonfur Galbeed.

Doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay noqoto mid xasaasi ah, iyadoo ay isha ku hayaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *