Author: Banaadir24 Editor

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo horey daacad ugu ahaa hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliiska Gobolka Bay, Sadiiq Doodisho, kuwaas oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ku sugnaa deegaanka iyo odayaasha dhaqanka. Kulankaas ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan. Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in la isla meel dhigay in ciidamadaasi lagu daro ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan wali si rasmi ah loo faahfaahin qaabka ay u dhacdo ku biiristooda…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in 28-ka April 2026 ay degaannada Maamulka Koonfur Galbeed la billaaban doonaan doorashada Golaha Deegaanka iyo tan Baarlamaanka maamulkaas. Doorashooyinkan ayaa ka dhici doona 11 degmo oo kala ah Xudur, Waajid, Berdaale, Buurhakaba, Qansaxdheere, Baydhabo, Diinsoor, Marka, Baraawe, Walaweyn iyo Afgooye, kuwaas oo lagu dooran doono xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedka doorashooyinkan uu yahay dhameystirka hay’adaha sharci-dejinta ee maamulka, si ay u suurtagasho in la guda galo marxaladda xigta ee doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Si kastaba, waxaa soo baxaya walaac…

Read More

Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadlay wararka la xiriira hanjabaado ay soo jeediyeen kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen, iyagoo meesha ka saaray cabsi laga qabo khatar amni oo ka iman karta dhinacaas. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Khadar Looge), oo wareysi siiyay wargeyska The Times, ayaa sheegay in aanay jirin wax walaac ah oo laga qabo hanjabaadahaasi, maadaama Somaliland aysan qayb ka ahayn colaadda ka taagan gobolka. “Ma jirto sabab looga walwalo khatar ka iman karta kooxahaas, maxaa yeelay annagu qayb kama nihin dagaalkan. Somaliland waxay leedahay sumcad nabadeed oo ay ku kasbatay sanado badan,”…

Read More

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta fuliyay howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanada Gasarta, oo xiriir la leh magaalooyinka Baydhabo iyo Daynuunay ee gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka, kuwaas oo lagu tilmaamay inay qeyb ka ahaayeen qorsheyaal amni darro ah oo ay ka wadeen deegaannadaas. Sidoo kale, howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo ay Haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod. Munaasabadda oo ay soo qabaqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa lagu muujiyey doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku faahfaahiyey qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah ayaa tilmaamay…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu hoggaaminayo wafdi ballaaran ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wafdiga Guddoomiyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, waxaana halkaasi ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Baay, Mudane Cali Wardheere, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Socdaalka wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, gaar ahaan dardargelinta howlaha la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka qaranka. Inta ay ku sugan yihiin Baydhabo, Guddoomiyaha iyo xubnaha wafdigiisa ayaa la filayaa inay kormeer ku sameeyaan goobaha muhiimka u ah qabsoomidda…

Read More

Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in la dilay taliyihii sare ee sirdoonka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), kaddib duqeymo culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil gudaha caasimadda Tehran. Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Maj. Gen. Majid Khademi, oo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka ee IRGC, uu ku dhintay weerarkaasi, inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin goobta saxda ah iyo sida uu weerarku u dhacay. Dhinaca kale, Israa’iil ayaa si cad u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo wasiirka difaaca dalkaas uu sheegay in la bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan nidaamka Iran, isla markaana la sii wadi…

Read More

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay kana tirsan Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka billowday howlgallo amni oo lagu beegsanayo dadka hubka ku dhex wata gudaha magaalada. Howlgalladan ayaa yimid kaddib amar kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska, kaas oo lagu xoojinayo sugidda amniga iyo la dagaallanka falalka amni-darro ee ka dhaca magaalada. Ciidamada ammaanka ayaa sameeyay goobo cusub oo lagu hubiyo gaadiidka iyo shacabka, kuwaas oo laga hirgeliyay xaafadaha kala duwan ee Baydhabo. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dad lagu eedeeyay inay ka hor yimaadeen amarka lagu mamnuucay in hub lagu dhex qaato…

Read More

Wararka naga soo gaaraya degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qarax miino oo halkaas ka dhacay. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Inta la xaqiijiyay, hal askari ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada ay fureen rasaas farabadan, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaastaasi. Xaaladda degaanka Janaale ayaa la soo wariyay inay hadda…

Read More

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa fulisay dil toogasho ah oo ka dhacay fagaaro ku yaalla degaanka Ilbeete ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay ku dileen askari ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya. Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray C/nuur Isxaaq C/raxmaan, waxaana la sheegay inuu da’diisu ahayd 29 sano jir. Wararka ayaa tilmaamaya in uu muddo ku dhow 8 sano ka tirsanaa ciidamada dowladda, kadibna uu u wareegay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed. Goobta dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku sugnaayeen boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo la sheegay in lagu qasbay inay…

Read More