Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta Tababar ugu soo xiraya Ciidamo farabadan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb,ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo ay ka socoto diyaar garowga soo dhaweyntiisa.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu la xiriiro arrimo amni iyo xoojinta awoodda ciidamada, gaar ahaan xiritaanka tababar loo soo gabagabeynayo ilaa 1,000 askari oo si gaar ah ugu heellan howlaha amniga. Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu dardargelinayo la dagaallanka kooxaha amni darrada ka wada dalka.
Shalay ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa horay u gaaray laba diyaaradood oo sida ciidamo iyo wafdi horudhac ah, kuwaas oo diyaarinaya soo dhaweynta iyo qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha.
Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo haatan safar shaqo ku jooga dalka Turkey, ayaa la filayaa in si deg deg ah ugu soo laabto magaalada Muqdisho, kadibna u sii gudbo Dhuusamareeb si uu uga qeyb qaato munaasabadda xiritaanka tababarka ciidamada.
Safarkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka Galmudug, isla markaana uu door muhiim ah ka qaato xoojinta amniga iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug.









