Duqeyn lagu dilay Maleeshiyo farabadan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Dowladda oo shaacisay

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta fuliyay howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanada Gasarta, oo xiriir la leh magaalooyinka Baydhabo iyo Daynuunay ee gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka, kuwaas oo lagu tilmaamay inay qeyb ka ahaayeen qorsheyaal amni darro ah oo ay ka wadeen deegaannadaas.
Sidoo kale, howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay ku wadaan burburinta awoodda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka iyo kuwa saaxiibada ah ay sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah, si loo ciribtiro khatarta argagixisada loona sugo nabadda iyo horumarka dalka.
Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo ballanqaadday in la sii xoojin doono howlgallada militari ee ka socda gobollada dalka.










