Al-Shabaab oo Fagaaro ku toogtay Askari ay Nolosha ku qabteen

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa fulisay dil toogasho ah oo ka dhacay fagaaro ku yaalla degaanka Ilbeete ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay ku dileen askari ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray C/nuur Isxaaq C/raxmaan, waxaana la sheegay inuu da’diisu ahayd 29 sano jir.
Wararka ayaa tilmaamaya in uu muddo ku dhow 8 sano ka tirsanaa ciidamada dowladda, kadibna uu u wareegay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Goobta dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku sugnaayeen boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo la sheegay in lagu qasbay inay daawadaan toogashada.
Al-Shabaab ayaa askarigan ku eedeeyay inuu ka qeyb qaatay weerarro dhowr ah oo lagu qaaday fariisimadooda ku yaalla Gobolka Gedo.
Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u fulisay dilal la mid ah kan, iyagoo fagaarayaal ku toogtay dad ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale Mareykanka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan dhacdadan illaa iyo hadda.









