Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay Hop204 ee Golaha Shacabka, kadib doorasho la sheegay in ay ka dhacday jawi aan tartan badneyn. Wararka la helayo ayaa sheegaya in musharixii la tartami lahaa Wasiirka uu si lama filaan ah uga tanaasulay tartanka, taasoo sahashay in Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu si toos ah ugu guuleysto kursiga, iyada oo aan la gelin loollan adag. Doorashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay cirka isku shareertay dood ku saabsan kursigan, kadib markii Xildhibaan Isaaq Cali Subag, oo horay ugu fadhiyay kursiga Hop204,…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Duqa degmada Baydhabo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee magaalada, dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarka laga sameeyey adeegyada bulshada iyo caqabadaha jira ee u baahan iskaashi heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada maamulka degmada Baydhabo, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda si loo hubiyo amni waara, horumar muuqda iyo adeegyo bulsho…
Taliyaha xasilinta Gobolka Gedo ugu magacaaban Dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu maalmahan ku xayirnaa dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay in uu uga xirnaa arrimo siyaasadeed. Wararka laga helayo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in sii deyntiisa ay timid kadib waan-waan u dhaxeysay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin heshiiska ka dambeeyay. Cabdirashiid Janan ayaa horey u ahaa masuul si weyn uga arrimin jiray deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo ah meel istaraatiiji ah…
Kumanaan askari oo wata gaadiidka dagaalka, oo ay ku jiraan dabaabaadyo iyo hub culus, ayaa saaka laga arkay iyagoo ka soo baxaya xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho. Ciidankan oo si wanaagsan u qalabeysan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo u muuqda kuwa diyaar u ah howlgal militari, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin halka ay u socdaan ama ujeedka rasmiga ah ee dhaq-dhaqaaqooda. Wararka Banaadir24.com uu helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya ugu talo gaslay inay ku qabsato degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, isla markaana ay ka qabato…
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa saakay xirtay waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceel Dheere, kadib markii ay ka gadoodeen mushaar la’aan soo jiitamayay dhowrkii bilood ee u dambeeyay. Ciidankan oo lagu magacaabo “Galeyr” ayaa la sheegay in ay door muhiim ah ka ciyaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, iyagoo guulo ka gaaray howlgallo ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug. Si kastaba, cabashada ugu weyn ee ay qabaan ayaa ah in aysan helin xuquuqdooda dhaqaale, taas oo keentay in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa isla markaana ay xiraan waddada.…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in lala xisaabtami doono cid kasta oo ku lug lahayd falalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib isbeddelkii maamulka ee halkaasi ka dhacay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa sheegay in si gaar ah loo baari doono falalka la xiriira dilalka iyo dhacdooyinka kale ee shacabka loo geystay, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciddii lagu helo dambiyadaas ay wajihi doonto cadaaladda. “Waxaa si gaar ah loola xisaabtami doonaa cid kasta oo si ula kac ah u beegsatay shacabka, wax dishay ama hanti dhac geysatay,” ayuu…
Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Far-Shabeel oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. War kooban oo kasoo baxay taliska DANAB ayaa lagu sheegay in howlgalka oo si xeeladaysan loo qorsheeyay uu si guul leh ku dhammaaday, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaas. Howlgalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid bartilmaameedkiisu si gaar ah u ahaa fariisin ay kooxdaasi ku lahayd Far-Shabeel, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray. Sidoo kale, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamadu…
Dowladda Iran ayaa si rasmi ah uga jawaabtay soo jeedin ka timid Mareykanka oo ku saabsan joojinta dagaalka, iyadoo soo bandhigtay qorshe ka kooban dhowr qodob oo ay ku xireyso in xal buuxa laga gaaro colaadda. Qorshahan oo ka kooban 10 qodob ayaa muujinaya mowqif adag oo Iiraan ay ka qaadatay wadahadallada, iyadoo si cad u sheegtay in aysan aqbali doonin xabbad-joojin ku meel gaar ah, balse ay doonayso in dagaalka si buuxda loo soo afjaro. Qodobbada ugu muhiimsan ee Iiraan soo bandhigtay waxaa ka mid ah: In la helo dammaanad cad oo xaqiijinaysa in Iran aan mar kale la…
Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla duleedka degmada, gaar ahaan baraha koontarool ee muhiimka ah. Goobaha la weeraray waxaa ka mid ah Koontoroolka Mukayga, Koontoroolka Kulanka Yarow Farxaan iyo fariisimo kale oo muhiim u ah amniga degmada. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka deegaanka ee ku sugan Balcad ayaa sheegay in ay si adag uga hortageen weerarka, isla markaana…
Warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Somalia ay waddo qorshe ballaaran oo isku dhafan oo ka socda gobolka Gedo, kaas oo isugu jira howlgal militari iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, dowladda federaalka ayaa ciidamo tiro badan u daabulaysa Gedo, iyadoo ujeeddadu tahay in meesha laga saaro saamaynta siyaasadeed iyo tan amni ee uu halkaas ku leeyahay madaxweynaha Jubaland, Ahmed Mohamed Islam Madobe. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal culus laga filayo gobolka, kaas oo ka xoog badan kii hore uga dhacay Raaskambooni. Dhanka kale, waxaa…