LATEST NEWSLOCAL NEWSUncategorisedWARARKA

DFS oo la wareegeysa Ciidamadii & hubkii Laftagareen ee Owdiinle

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo horey daacad ugu ahaa hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliiska Gobolka Bay, Sadiiq Doodisho, kuwaas oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ku sugnaa deegaanka iyo odayaasha dhaqanka. Kulankaas ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in la isla meel dhigay in ciidamadaasi lagu daro ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan wali si rasmi ah loo faahfaahin qaabka ay u dhacdo ku biiristooda iyo arrimaha la xiriira hubka ay haystaan.

Taliyaha Booliiska Gobolka Bay, Sadiiq Doodisho, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in kulanka uu ku soo dhammaaday is-afgarad, balse uu xusay in faahfaahinta farsamada ee heshiiska ay weli socoto, islamarkaana dib laga shaacin doono marka la dhamaystiro.

“Waxaan gaarnay is-afgarad guud, wixii farsamo ahna waa la dhamaystiri doonaa,” ayuu yiri Taliyaha.

Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Bay, iyadoo dadaallo lagu mideynayo ciidamada kala duwan ay weli socdaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *