Sawirro:- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu hoggaaminayo wafdi ballaaran ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, waxaana halkaasi ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Baay, Mudane Cali Wardheere, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Socdaalka wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, gaar ahaan dardargelinta howlaha la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka qaranka.
Inta ay ku sugan yihiin Baydhabo, Guddoomiyaha iyo xubnaha wafdigiisa ayaa la filayaa inay kormeer ku sameeyaan goobaha muhiimka u ah qabsoomidda doorashooyinka, si loo qiimeeyo heerka u diyaargarowga iyo in la hubiyo in dhammaan qorshayaasha doorasho ay u socdaan si waafaqsan hannaan hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, wafdiga ayaa kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isfahamka ku aaddan hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah.










