LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qarax miino oo halkaas ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Inta la xaqiijiyay, hal askari ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada ay fureen rasaas farabadan, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaastaasi.

Xaaladda degaanka Janaale ayaa la soo wariyay inay hadda tahay mid degan, iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo amni darro muujinaya.

Ilaa iyo hadda, maamulka degmada iyo laamaha ammaanka ee degaanka Janaale ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *