Dowladda Soomaaliya oo Dad badan ku xir xirtay Magaalada Baydhabo & sababta oo la ogaaday

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay kana tirsan Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka billowday howlgallo amni oo lagu beegsanayo dadka hubka ku dhex wata gudaha magaalada.
Howlgalladan ayaa yimid kaddib amar kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska, kaas oo lagu xoojinayo sugidda amniga iyo la dagaallanka falalka amni-darro ee ka dhaca magaalada.
Ciidamada ammaanka ayaa sameeyay goobo cusub oo lagu hubiyo gaadiidka iyo shacabka, kuwaas oo laga hirgeliyay xaafadaha kala duwan ee Baydhabo. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dad lagu eedeeyay inay ka hor yimaadeen amarka lagu mamnuucay in hub lagu dhex qaato gudaha magaalada.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli uu weli ku sugan yahay Baydhabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la tilmaamay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada inta uu socdo joogitaankiisa.
Maamulka iyo hay’adaha ammaanka ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qalalaase amni, si loo ilaaliyo xasilloonida magaalada.









