Waqtiga ay billaabanayaan doorashooyinka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in 28-ka April 2026 ay degaannada Maamulka Koonfur Galbeed la billaaban doonaan doorashada Golaha Deegaanka iyo tan Baarlamaanka maamulkaas.
Doorashooyinkan ayaa ka dhici doona 11 degmo oo kala ah Xudur, Waajid, Berdaale, Buurhakaba, Qansaxdheere, Baydhabo, Diinsoor, Marka, Baraawe, Walaweyn iyo Afgooye, kuwaas oo lagu dooran doono xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedka doorashooyinkan uu yahay dhameystirka hay’adaha sharci-dejinta ee maamulka, si ay u suurtagasho in la guda galo marxaladda xigta ee doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Si kastaba, waxaa soo baxaya walaac siyaasadeed oo ku saabsan jadwalka doorashada, maadaama haddii 28-ka April la doorto Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka, isla markaana aan si degdeg ah loo qaban doorashada Madaxweynaha, ay taasi keeni karto dib u dhac ku yimaada geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulka.
Magaalada Baydahbo ayaa waxaa hadda ku sugan inta badan siyaasiyiinta Koonfur Galbeed kasoo jeeda, kuwaas oo mid kasta oo kamid ah uu doonayo in uu qabto xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, hayeeshee Villa Somalia ay dhankeeda wadato musharax gaar ah.
Dhinaca kale, mucaaradka ayaa si cad uga biyo diiday habka loo wajahayo doorashooyinka, iyaga oo la filayo in ay kulamo isdaba joog ah ku yeeshaan magaalada Muqdisho si ay uga tashadaan mowqifkooda ku aaddan arrintan.









