Somaliland oo ka jawaabtay hanjabaadaha Xuutiyiinta Yemen

Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadlay wararka la xiriira hanjabaado ay soo jeediyeen kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen, iyagoo meesha ka saaray cabsi laga qabo khatar amni oo ka iman karta dhinacaas.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Khadar Looge), oo wareysi siiyay wargeyska The Times, ayaa sheegay in aanay jirin wax walaac ah oo laga qabo hanjabaadahaasi, maadaama Somaliland aysan qayb ka ahayn colaadda ka taagan gobolka.
“Ma jirto sabab looga walwalo khatar ka iman karta kooxahaas, maxaa yeelay annagu qayb kama nihin dagaalkan. Somaliland waxay leedahay sumcad nabadeed oo ay ku kasbatay sanado badan,” ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay wararka la xiriira suurtagalnimada in ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ay saldhigyo ka sameystaan magaalada Berbera, isagoo caddeeyay in ilaa hadda uusan jirin heshiis rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.
Wuxuu xusay in Somaliland ay mar walba u furan tahay fursado kasta oo dan u ah horumarka iyo amniga qaranka, balse go’aan kasta lagu saleeyo maslaxadda guud ee shacabka.
Hadalka ka soo baxay Somaliland ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa la xiriira dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda Badda Cas iyo Yemen.









