Author: Banaadir24 Editor

Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo ay yeelanayaan qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, kuwaas oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Kulamadan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka la gaaro dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka laga helayo kulamadaasi ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay kamid yihiin Axmed Madoobe, Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, ay ka arrinsanayaan istaraatiijiyad mideysan oo ay ku wajahaan marxaladda kala guurka ah ee la filayo inay bilaabato wixii ka dambeeya 15-ka May. Sidoo…

Read More

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta maamulka degmada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay halkaasi oo uu kuso dhoweyey gudoomiyaha degmada baydhabo ahna duqa magaalada mudane cabdulaahi cali watiin. Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta habsami u socodka howlaha maamulka degmada, dardargelinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka deegaanka. Intii uu kormeerka ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay masuuliyiinta degmada, kuwaas oo la wadaagay xaaladda guud ee maamulka, adeegyada bulshada, iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, wuxuu indha-indheyn ku sameeyay xarumaha…

Read More

Ciidanka Amniga ee Jubaland ayaa gacanta ku dhigay shixnad dirays ciidan ah oo si qarsoodi ah looga soo gudbinayay xadka, kadib howlgal ay ka fuliyeen degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose. Shixnaddan oo ka koobneyd dhar ciidan ayaa la sheegay in si dhuumaaleysi ah looga soo gelinayay gudaha dalka, hase yeeshee ciidamada Jubaland ayaa ku guuleystay inay qabtaan kahor inta aysan u gudbin meelaha loo waday. Howlgalkan ayaa sababay baaritaanno dheeraad ah oo ka bilowday dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, halkaas oo laamaha sirdoonka Kenya ay ka sameeyeen howlgal ay ku baarayeen bakhaar la sheegay inay leedahay shirkad lagu…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab oo kaashanaya Ciidamada Jubaland ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubada Hoose. Howlgalladan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka, halka tiro kale oo ka mid ahna lagu qabtay iyagoo nool intii ay socdeen dagaallada, siada ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgalka hoggaaminaya. Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamaya in ciidamada ay si tartiib ah u xoojinayaan howlgallada, iyagoo diiradda saaraya sidii dib loogu…

Read More

Duqeyn xooggan ayaa xalay Saqdii Dhexe ka dhacay deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan, kuwaas oo lala beegsaday Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaannada Faarax Aadan, Carfuuda Tabar-mooge iyo Miiron, halkaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo gaadiid ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay Kooxda Al-Shabaab lahayd, kuwaas oo qaarkood la sheegay in lagu diyaarinayay walxaha qarxa. Ilaa iyo hadda, saraakiishu ma aysan shaacin khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan, hase…

Read More

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee isku magacaabay Golaha Mustaqbalka ayaa maanta kulan qado ah ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa ka arrinsanaya tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo sida ay uga falcelinayaan. Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulanka sidoo kale looga hadli doono suurtagalnimada muddo kororsi, maadaama lagu eedeeyay Madaxweynaha inuu damacsan yahay in uu kordhiyo muddo xileedkiisa. Golaha ayaa la filayaa inay isla qaataan…

Read More

Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, Ilhan Omar, ayaa ku baaqday in si degdeg ah dib loogu furo kalfadhiga Congress-ka si loo qaado tallaabooyin ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Ilhan Omar ayaa sheegtay in Trump “uu halis gelinayo xasilloonida caalamka” isla markaana lagu eedeeyay inuu ku kacay hadallo la xiriira dambiyo dagaal iyo xasuuq. Waxay ugu baaqday Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada, Mike Johnson, inuu si degdeg ah u soo celiyo fadhiyada Golaha. “Donald Trump waa in xilka laga qaadaa sababtoo ah wuxuu khatar ku yahay amniga caalamiga ah. Guddoomiye Johnson waa inuu Aqalka dib u furaa. Dhaqan gelinta wax-ka-beddelka…

Read More

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir Cismaan Muriidi ayaa xabsiga loo taxaabay kadib amar kasoo baxay maxkamadda gobolka Banaadir, kaasoo la xiriira muran dhuleed  ka taagan xaafadda Cadayga ee degmadaasi Xamarweyne, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in xarigga guddoomiyaha uu daba socday eedeyn ku saabsan faragelin lagu sameeyay dhul la isku haysto, iyadoo lagu doodayo inuu isku dayay inuu si sharci darro ah ula wareego hantidaas. Dhulkan oo ah hal boos ayaa waxaa ku muransan dhinacyo kala duwan oo mid walba uu sheeganayo lahaanshihiisa. Proffesor Yahye Caamir ayaa kamid ah dadka sheeganaya dhulkaasi,…

Read More

Qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la magac baxay ( Baarlamaanka Xorta ah)  ayaa si kulul uga hadlay doorashada kursiga HOP#204, iyagoo ku tilmaamay mid baal marsan sharciga iyo dastuurka dalka. War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanadan ayaa lagu sheegay in kursiga uu hore ugu fadhiyay Isaaq Cali Subag si sharci darro ah loogu wareejiyay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac. Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan ay jebinayso qodobo ka mid ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan Qodobka 59-aad, isla markaana ay muujinayso faragelin iyo ku tumasho nidaamka sharci ee dalka.…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, taas oo ah markii ugu horreysay ee dalka uu ka mid noqdo hay’addan muhiimka ah tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2003. Soomaaliya ayaa kursigan loo doortay bishii February 2026, iyadoo muddo labo sano ah ku matali doonta dalalka qaaradda Afrika ee go’aan ka gaaraya arrimaha la xiriira nabadda, amniga, iyo xalinta khilaafaadka. Doorashadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee ay waddamada Afrika ku qabaan horumarka siyaasadeed iyo dadaallada nabadeed ee ay sameyneyso Soomaaliya. Golaha Nabadda iyo Amniga ee…

Read More