Dagaal xoogan oo ka dhacay degmada Balcad & khasaaro ka dhashay

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla duleedka degmada, gaar ahaan baraha koontarool ee muhiimka ah. Goobaha la weeraray waxaa ka mid ah Koontoroolka Mukayga, Koontoroolka Kulanka Yarow Farxaan iyo fariisimo kale oo muhiim u ah amniga degmada.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka deegaanka ee ku sugan Balcad ayaa sheegay in ay si adag uga hortageen weerarka, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday. Si kastaba ha ahaatee, weli si rasmi ah looma shaacin tirada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in dagaalku uu socday muddo saacado ah, iyadoo la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo ka dhacay hareeraha degmada.
Saaka xaaladda Balcad ayaa la sheegay inay tahay mid degan, iyadoo ciidamada ammaanka ay weli ku sugan yihiin goobihii lagu dagaallamay, isla markaana ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmada.
Ilaa hadda, laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Balcad si rasmi ah ugama hadlin dhacdadan, iyada oo aysan aheyn markii ugu horreysay oo Al-Shabaab ay weeraraan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.









