Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Hawlgal sirdoon oo aad u qorsheysan ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan Waaxda Dambi baarista kenya oo ka howlgala gobolka Garissa, kuwaas oo ku guuleystay inay burburiyaan shabakad looga shakisan yahay ugaarsiga sharci darrada ah. Ciidamada ayaa sida la sheegay helay xog sugan oo la xiriirta gaari sidda shaqsiyaad hubeysan iyo xamuul xayawaan duurjoog ah oo si sharci darro ah loo ugaarsaday. Iyagoo adeegsanaya xeelad feejigan, ayay u istaageen wadada u dhexeeya Garissa iyo Dhadhaab, gaar ahaan deegaanka Alango Arba ee hoos yimaada Gobolka Faafi ee dowlad degaanka Soomaalida. War kasoo baxay aaxda Dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay in Saqdii…
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareyneysaa imaatinka markabka qodista shidaalka ee “Çağrı Bey”. Markabka Çağrı Bey ayaa si rasmi ah u soo gaaray biyaha Soomaaliya, isagoo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso ka faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka dalka. Sida qorshuhu yahay, waxaa si rasmi ah loo soo dhaweyn doonaa markabkan maalinta Jimcaha ee soo socota, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah. Kadib munaasabadda soo dhaweynta, markabka wuxuu si toos ah u guda geli doonaa howlaha qodista shidaalka,…
Ciidamada Dambi-baarista Puntland (CID) ayaa si rasmi ah u wada baaritaanno la xiriira kiiska wiil yar oo meydkiisa laga helay ceel ku yaalla magaalada Garoowe, kaddib markii muddo saddex maalmood ah la la’aa halka uu ku dambeeyay. Wiilka yar oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xirsi Siciid Awmuse, ayaa la sheegay inuu ka baxay gurigiisa, balse aan dib loo arag tan iyo maalintii uu maqnaa, taas oo keentay in ehelladiisa iyo bulshada deegaanka ay bilaabaan baadi-goob ballaaran. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in meydka wiilka laga helay ceel ku yaalla duleedka Garoowe, iyadoo xaaladda meydka ay muujineyso tuhun la xiriira fal…
Shaqada Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka la hakiyay, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay mid qayb ka ah diyaar-garow ballaaran oo loogu jiro soo dhoweynta markab qodaya shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo laga leeyahay dalka Turkiga, isla markaana Maanta kusoo xirtay dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho. Wararka laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in xiritaanka dekedda uu la xiriiro soo dhaweyn heersare ah oo loo sameynayo Markabka Beri oo Jimce ah, taas oo ay ka qeyb geli doonaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,…
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay si toos ah uga codsatay musharrax Fargeeti inuu u tanaasulo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, oo la sheegay inuu yahay musharraxa ay wadato dowladda federaalka ee doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed (KGS). Sida xogta aan helnay muujineyso, musharrax Fargeeti ayaa si cad u diiday codsigaasi, isagoo ka biyo diiday inuu ka haro tartanka. Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay sii adkeyneyso loollanka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed, xilli ay socoto qabanqaabada doorashada. Dhanka kale, musharrixiin kale oo tartanka ku jira ayaa la filayaa inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Goobo oo qiyaastii 12 KM u jira degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib howlgal ay ka fuliyeen halkaasi. Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cali Cageey, ayaa sheegay in ciidamadu ay deegaanka ka saareen xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo horay u joogay halkaasi. Taliyaha ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda. La wareegitaanka deegaanka Goobo ayaa muhiim u ah istiraatiijiyadda ciidamada, maadaama ay sahli karto in la gaaro degmada Maxaas oo ay weli maamulaan Al-Shabaab.…
Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan arrin murugo iyo argagax ku abuurtay bulshada, kadib markii la shaaciyay kiis la xiriira ilmo yar oo 20 maalmood dhalan, kaasoo la sheegay in halis loo geliyay dil. Sida wararka la helayo ay sheegayaan, canugaan yar ayaa waxaa dhashay gabar la sheegay inay walaal la tahay nin Fanaan ah, kadib markii Ninkii dhalay Cunuga yar uu si cad u inkiray masuuliyadda ilmaha, taasoo xaaladda uga sii dartay hooyada iyo dhallaanka. Intaas kadib, warar soo baxay ayaa tilmaamaya in hooyada iyo ilmaheeda loo gacan geliyay nin kale oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu amray…
Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Puntland, kadib iska horimaad hubeysan oo dhex maray ciidanka iyo koox hubeysan oo aan weli la aqoonsan. Falkan ayaa ka dhacay Xaafada Jiiro Garoob ee waqooyiga magaalada, halkaas oo la sheegay in rasaas culus ay isweydaarsadeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo maleeshiyaad hubeysan. Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada askariga, iyadoo aan la xaqiijin khasaaraha kale ee ka dhashay. Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo faahfaahin ka bixiya dhacdadan, cidda ka…
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo waqtigeeda ku habboon oo lagu yareynayo xiisadaha, lagu dhisayo kalsooni, isla markaana lagu ilaalinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo mid caalami ah. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu ammaanay doorka Maraykanka ee hoggaaminta dadaallada lagu gaaray is-afgaradkan, iyo sidoo kale ka-qaybgalka Iiraan ee taageeraya wadada wada-hadalka. Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadcelisay dalalka dhexdhexaadinta ka qaatay heshiiskan, oo ay ka mid yihiin Pakistan,Saudi Arabia,Türkiye iyo Egypt ama Masar, kuwaas…
Warar kala duwan oo laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in iska hor imaad khasaare dhaliyay uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaasi ka wadeen howlgallo roondo iyo xaqiijin amni. Iska hor imaadka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dhinteen dagaalkaasi. Sidoo kale, meydadka askarta ku geeriyootay iska hor imaadka ayaa galabta la gaarsiiyay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay…