DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Iiraan oo soo bandhigtay shuruudo adag oo lagu joojinayo dagaalka

Dowladda Iran ayaa si rasmi ah uga jawaabtay soo jeedin ka timid Mareykanka oo ku saabsan joojinta dagaalka, iyadoo soo bandhigtay qorshe ka kooban dhowr qodob oo ay ku xireyso in xal buuxa laga gaaro colaadda.

Qorshahan oo ka kooban 10 qodob ayaa muujinaya mowqif adag oo Iiraan ay ka qaadatay wadahadallada, iyadoo si cad u sheegtay in aysan aqbali doonin xabbad-joojin ku meel gaar ah, balse ay doonayso in dagaalka si buuxda loo soo afjaro.

Qodobbada ugu muhiimsan ee Iiraan soo bandhigtay waxaa ka mid ah:

  • In la helo dammaanad cad oo xaqiijinaysa in Iran aan mar kale la weerarin mustaqbalka.
  • In dagaalka si buuxda loo soo afjaro, iyadoo aan la aqbaleyn xabbad-joojin ku meel gaar ah.
  • In Israel ay joojiso weerarrada ay ka waddo gudaha Lebanon.
  • In la qaado dhammaan cunaqabateynta dhaqaale ee Dowladda Mareykanka saartay Iran.
  • In la joojiyo dhammaan tallaabooyinka colaadeed ee ka dhanka ah xulafada Iiraan ee gobolka.

Dhanka kale, Iiraan ayaa sheegtay in haddii shuruudahaan la aqbalo ay qaadi doonto tallaabooyin ay ka mid yihiin:

  • In dib loo furo marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.
  • In la qaado lacag dhan 2 milyan oo dollar markab kasta oo mara marin-biyoodkaas, iyadoo dakhligaas lala wadaagi doono Oman oo ku yaalla afka laga galo Hormuz.
  • In la dejiyo xeerar cusub oo lagu xaqiijinayo ammaanka marinkaasi.
  • In dakhliga kasoo xarooda Hormuz loo adeegsado dib u dhiska kaabeyaasha iyo horumarinta gudaha dalka.

Qorshahan ayaa imanaya xilli ay wax ka yar 19 saacadood ka harsan yihiin waqtiga kama dambaysta ah ee uu madaxweynaha Donald Trump u qabtay in lagu gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in shuruudahan ay sare u qaadi karaan cadaadiska saaran wadahadallada, isla markaana ay adkeyn karaan in si degdeg ah loo gaaro heshiis rasmi ah oo nabadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *