LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Itoobiya oo siideysay Cabdirashiid Janan oo muddo ugu xirnaa Addis Ababa

Taliyaha xasilinta Gobolka Gedo ugu magacaaban Dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu maalmahan ku xayirnaa dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay in uu uga xirnaa arrimo siyaasadeed.

Wararka laga helayo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in sii deyntiisa ay timid kadib waan-waan u dhaxeysay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin heshiiska ka dambeeyay.

Cabdirashiid Janan ayaa horey u ahaa masuul si weyn uga arrimin jiray deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo ah meel istaraatiiji ah oo ay weli ka taagan tahay loollan siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa muddo dheer isku dayeysay in ay dib u hanato gacan ku haynta Doolow, hase yeeshee dadaalladaas ayaan weli miro dhalin. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in xitaa la isku dayay in dhaqaale lagu qanciyo dhinacyada maamula degmada, balse aan wax guul ah laga gaarin.

Dhanka kale, garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ayaa xirnaa muddo ka badan hal sano, iyadoo dowladda Federaalka ay ku doodayso in maamulka garoonka lagu soo wareejiyo si ay ula wareegto, arrintaas oo aan weli heshiis laga gaarin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *