DEG DEG:- Ciidanka DANAB oo howlgal gaar ah ka fuliyay Goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Far-Shabeel oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
War kooban oo kasoo baxay taliska DANAB ayaa lagu sheegay in howlgalka oo si xeeladaysan loo qorsheeyay uu si guul leh ku dhammaaday, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaas.
Howlgalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid bartilmaameedkiisu si gaar ah u ahaa fariisin ay kooxdaasi ku lahayd Far-Shabeel, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray.
Sidoo kale, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay si nabad ah uga soo laabteen goobta howlgalka, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin dhinaca DANAB.
Faah faahinta rasmiga ah ee howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay si buuxda u soo saaraan saraakiisha ciidamada.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.









