Wasiir Madaxaa na furan oo loo doortay Kursi Xildhibaanimo iyo muran ka taagan

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay Hop204 ee Golaha Shacabka, kadib doorasho la sheegay in ay ka dhacday jawi aan tartan badneyn.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in musharixii la tartami lahaa Wasiirka uu si lama filaan ah uga tanaasulay tartanka, taasoo sahashay in Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu si toos ah ugu guuleysto kursiga, iyada oo aan la gelin loollan adag.
Doorashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay cirka isku shareertay dood ku saabsan kursigan, kadib markii Xildhibaan Isaaq Cali Subag, oo horay ugu fadhiyay kursiga Hop204, uu si cad u sheegay in kursigiisa si sharci darro ah looga qaaday. Xildhibaanka ayaa ku dooday in aanu jirin hannaan sax ah oo lagu maray ka qaadista kursiga, isla markaana uu arrintaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka.
Ilo ku dhow geeddi-socodka doorashada ayaa sheegaya in hanaanka lagu buuxiyay kursigan uu ahaa mid degdeg ah, islamarkaana aysan muuqan fursad loo siiyay musharrixiin kale oo doonayay inay u tartamaan kursiga. Tani waxay dhalisay su’aalo ku saabsan hufnaanta iyo cadaaladda doorashada, gaar ahaan marka la eego cabashada xildhibaankii hore.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta ku lugta leh doorashada ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin eedeymaha la xiriira in kursiga si xoog ah looga qaaday xildhibaankii hore. Sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo caddeynaya sababta rasmiga ah ee keentay in kursiga Hop204 dib loogu qabto doorasho.









