Dowladda Soomaaliya oo Xeryaha kasoo saartay Ciidamo lagu weerarayo Jubbaland

Kumanaan askari oo wata gaadiidka dagaalka, oo ay ku jiraan dabaabaadyo iyo hub culus, ayaa saaka laga arkay iyagoo ka soo baxaya xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Ciidankan oo si wanaagsan u qalabeysan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo u muuqda kuwa diyaar u ah howlgal militari, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin halka ay u socdaan ama ujeedka rasmiga ah ee dhaq-dhaqaaqooda.
Wararka Banaadir24.com uu helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya ugu talo gaslay inay ku qabsato degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, isla markaana ay ka qabato doorasho qof iyo Cod ah.
Sidoo kale waxaa suurogal ah in ciidamadan loo daad-gureynayo furimaha dagaalka, si loo loo bilaabo guluf cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si Ciidamada looga mashquulo inay kasoo baxaan furimaha dagaalka ayna noqdaan kuwo mucaaradka u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Dowladda sida Badbaado Qaran 2.
Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaan weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha Ciidamadaan Maanta loo soo saaray, iyada oo ay xusid mudan tahay in Ciidamo ka baxay Muqdisho ay Laftaagreen ka saareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.









