LATEST NEWSLOCAL NEWSSPORTSWARARKA

Dowladda Somalia oo qorsho ka dhan ah Axmed Madoobe ka billaabeysa Gedo

Warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Somalia ay waddo qorshe ballaaran oo isku dhafan oo ka socda gobolka Gedo, kaas oo isugu jira howlgal militari iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, dowladda federaalka ayaa ciidamo tiro badan u daabulaysa Gedo, iyadoo ujeeddadu tahay in meesha laga saaro saamaynta siyaasadeed iyo tan amni ee uu halkaas ku leeyahay madaxweynaha Jubaland, Ahmed Mohamed Islam Madobe. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal culus laga filayo gobolka, kaas oo ka xoog badan kii hore uga dhacay Raaskambooni.

Dhanka kale, waxaa barbar socda dhaqdhaqaaqyo ay wadaan guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo bilaabaya geeddi-socodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo gaarsiinta sanaadiiqda codbixinta gudaha Gedo. Tani waxay qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taas oo markii ugu horreysay si toos ah uga dhacda deegaanada Jubaland.

Meelaha ugu daran oo Dowladdu qorsheyneyso inay la wareegto ayaa waxaa kamid ah degmooyinka Dolow iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland.

Qorshaha dowladda ayaa u muuqda mid laba jiho leh:

Marka koowaad, in cadaadis militari lagu saaro maamulka Jubaland si loo wiiqo awooddiisa;

Marka labaadna, in isla waqtigaas la dhaqan geliyo nidaamka doorasho qof iyo cod ah oo ka hirgala gobolka.

Ugu dambeyn, wararku waxay tilmaamayaan in haddii qorshahan uu guuleysto, dowladda federaalka ay damacsan tahay in nidaamka doorasho qof iyo cod ah laga hirgeliyo dhammaan maamul goboleedyada dalka, taas oo wax weyn ka beddeli karta hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *