LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo katirsan Galmudug oo Maanta Gadood sameeyay & wararkii ugu dambeeyay

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa saakay xirtay waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceel Dheere, kadib markii ay ka gadoodeen mushaar la’aan soo jiitamayay dhowrkii bilood ee u dambeeyay.

Ciidankan oo lagu magacaabo “Galeyr” ayaa la sheegay in ay door muhiim ah ka ciyaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, iyagoo guulo ka gaaray howlgallo ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug. Si kastaba, cabashada ugu weyn ee ay qabaan ayaa ah in aysan helin xuquuqdooda dhaqaale, taas oo keentay in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa isla markaana ay xiraan waddada.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in saraakiil ciidan iyo xildhibaano ay isku beel yihiin ciidamada gadoodsan ay ku baxeen daminta xiisadda, inkastoo illaa iyo hadda aan la gaarin xal rasmi ah oo lagu qanciyo ciidamada.

Xirnaanshaha waddadan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo shacabka u kala safra labada magaalo, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu sii adkaato haddii aan si degdeg ah xal looga gaarin cabashada ciidanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *