DFS oo Maxkamadeyneysa Dad dilal & dhac ka geystay Baydhabo kadib ka saaristii Laftagareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in lala xisaabtami doono cid kasta oo ku lug lahayd falalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib isbeddelkii maamulka ee halkaasi ka dhacay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa sheegay in si gaar ah loo baari doono falalka la xiriira dilalka iyo dhacdooyinka kale ee shacabka loo geystay, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciddii lagu helo dambiyadaas ay wajihi doonto cadaaladda.
“Waxaa si gaar ah loola xisaabtami doonaa cid kasta oo si ula kac ah u beegsatay shacabka, wax dishay ama hanti dhac geysatay,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin cid loo qabtay falalkaas.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu xusay in hay’adaha garsoorka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay si caadi ah u shaqeynayaan, isaga oo ugu baaqay shacabka in cid kasta oo dacwo qabta ay la xiriirto hay’adahaasi si loo helo cadaalad.
Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa imanaya xilli uu dhawaan eedeymo culus soo jeediyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Taliyihii hore ayaa sheegay in ciidamadii qabsaday Baydhabo ay geysteen falal ay ka mid yihiin dil iyo dhac, isagoo si gaar ah u tilmaamay in laba qof la dilay, meydadkoodana la gubay.









