Author: Banaadir24

Warar isa soo taraya oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo rogtay xayiraado cusub oo la xiriira safarrada siyaasiyiinta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxtooyada Villa Soomaaliya ay hay’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA, ku amartay in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta doonaya inay u safraan Galmudug, iyadoo la sheegayo in safarro badan loo baahan doono oggolaansho gaar ah oo kasoo baxa Villa Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in diyaaradaha gaarka loo leeyahay iyo safarrada aan si rasmi ah loo diiwaangelin…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dooneyso inay heshiisyo cusub oo dhanka macdanta ah la gaarto dowladda Turkiga, iyadoo rajo weyn laga muujiyay howlgallada shidaal baarista iyo gaaska dabiiciga ah ee Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in haatan ay socdaan howlgallo qodis ah kadib markii la soo gabagabeeyay uruurinta xogta sahminta ee laga sameeyay badda Soomaaliya. “Marxaladdan waxaan ku jirnaa howlaha qodista. Waxaa la dhammeeyay xog uruurinta sahminta xogtaasna waa la falanqeeyay. Hadda waxaa socda qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal baarista ee xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka. Bishii April…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay si weyn u xoojisay ciidamada ammaanka ee ku sugan agagaarka hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo tallaabadan loo fasiranayo mid muujinaysa heerka sii kordhaya ee khilaafka siyaasadeed ee ka taagan caasimadda Muqdisho. Warar kala duwan oo laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamo si culus u hubeysan la dhigay waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ku dhow hoyga Sheekh Shariif, halka dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn laga dareemayay xaafadaha ku hareeraysan goobtaasi habeenkii xalay. Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid…

Read More

Warar isa soo taraya oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda federaalka ee waqtigeedu sdhammaaday ay xalay si weyn u xoojisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda xaafado dhowr ah oo loo arko meelaha ugu badan ee ay mucaaradku ku leeyihiin taageerada siyaasadeed. Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka qaar ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay wateen gaadiid dagaal iyo kuwa gaashaaman, kuwaas oo lagu daadiyay waddooyinka waaweyn iyo isgoysyada muhiimka ah ee magaalada. Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay baro koontarool oo cusub, iyagoo si adag u baarayay dadka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka la xiray. Dadka deegaanka ayaa sheegay in habeenkii…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah uu maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaasoo dhaawac u geystay haweeney rayid ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in haweeneyda dhaawacantay ay goobta ka waday shaqo ganacsi oo shaah iibin ah xilliga uu qaraxu dhacay, waxaana isla markiiba goobta gaaray dad shacab ah iyo ciidamada ammaanka. Qaraxa ayaa cabsi iyo kala carar ka dhex abuuray dadka ku sugnaa agagaarka halka uu ka dhacay, iyadoo ciidamada dowladda ay xireen goobta islamarkaana bilaabeen baaritaanno la xiriira qaraxaasi. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi…

Read More

Ciidamada taageersan madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ee dhawaan si awood ah loo gala wareegay magaalada Baydhabo ayaa ku goodiyeen inay maalmaha soo socda dib ula wareegi doonaan magaalada Baydhabo, iyagoo ciidamada dowladda federaalka ee Muqdisho laga keenay ugu baaqay inay isaga baxaan magaalada. Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed, oo la hadlay dagaalyahanno ku sugan duleedka Baydhabo ayaa sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin “xoreynta” magaalada, balse wuxuu ku amray ciidamada inay ilaaliyaan shacabka isla markaana aysan waxyeello u geysan dadka rayidka ah haddii ay gudaha u galaan magaalada. “Waxaan difaaceynaa dhulkeenna, waxaana dhowaan jabin doonnaa…

Read More

General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in dalka uusan hadda lahayn hoggaan sharciyad buuxda leh. Qeybdiid oo wareysi siiyay Shabeelle TV ayaa ku tilmaamay Xasan Sheekh “madaxweyne hore” oo waqtigiisii dhammaaday, wuxuuna ku eedeeyay dowladda inay qaaday tallaabooyin uu ku sheegay kuwo sharci darro ah, gaar ahaan weerarkii dhawaan lagu qaaday xubno kamid ah mucaaradka. “Xasan Sheekh masuul kama ahan dalka, sharci darro ayaa nalagu weeraray maalintii dhaweyd. Ha keeno bisha 4-teeda ciidankii markaas loo baahnaa. Shalay awood buu lahaa,…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay qorsheyneyso inay ciidda kadib wafdi heer sare ah oo ka socda Madaxtooyada Ankara usoo dirto magaalada Muqdisho, si ay wadahadallo ula yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wafdigan ayaa la filayaa inay madaxda dowladda ku wargeliyaan muhiimadda ay leedahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashooyinka dalka, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo ismari waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha Sirdoonka Turkiga ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya iyo wakiillo ay soo dirsadeen, iyagoo kala hadlay sidii loo…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u hubeysan la arkay fiidnimadii xalay iyagoo ku sii jeeda degmada Cabdicasiis ee waqooyiga Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kolonyo gaadiid ciidankii uusoo tababaray Turkiga ay marayeen waddooyinka waaweyn ee degmada, iyadoo la arkayay gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo aad u fara badan oo dhaq-dhaqaaq sameynayay. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in la adkeeyay ammaanka isla markaana mararka qaar la hakiyay isu socodka shacabka xilli ay kolonyadu gudbeysay, taas oo sare u qaaday walaaca iyo hadal-heynta ku saabsan howlgal amni ama ciidamo xoojin ah oo socda. Dhaqdhaqaaqan…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay weerar hubeysan lagu qaaday guriga sarkaal hore oo lagu magacaabo Aamin Mad-Daruur oo horay u ahaa Taliyihii Booliska gobolka Bay ee maamulka Koonfur Galbeed. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gudaha u galay guriga oo ku yaalla xaafadda Cadaada, halkaasi oo ay kaga qaateen qori AK-47 ah oo uu geystay waardiyaha guriga. Aamin Mad-Daruur ayaa lagu tilmaamaa inuu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, arrintaas oo sii kordhisay hadal heynta iyo xiisadda ka…

Read More