LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Laftagareen oo weerar ku ah Baydhabo & Ciidankii Dowladda oo…

Ciidamada taageersan madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ee dhawaan si awood ah loo gala wareegay magaalada Baydhabo ayaa ku goodiyeen inay maalmaha soo socda dib ula wareegi doonaan magaalada Baydhabo, iyagoo ciidamada dowladda federaalka ee Muqdisho laga keenay ugu baaqay inay isaga baxaan magaalada.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed, oo la hadlay dagaalyahanno ku sugan duleedka Baydhabo ayaa sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin “xoreynta” magaalada, balse wuxuu ku amray ciidamada inay ilaaliyaan shacabka isla markaana aysan waxyeello u geysan dadka rayidka ah haddii ay gudaha u galaan magaalada.

“Waxaan difaaceynaa dhulkeenna, waxaana dhowaan jabin doonnaa ciidamada Muqdisho laga keenay,” ayuu yiri afhayeenka. “Cid walba waxay noo taqaan waxa ay doonto, balse annagu waxaan u dagaallameynaa xoraynta dhulkeenna.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan dagaal kula jirin shacabka reer Baydhabo, balse ay doonayaan inay maamulka dib ugu soo celiyaan gacantooda.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kacayaan xiisadaha amni ee ka taagan Baydhabo, halkaas oo habeenadii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen weerarro iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo sii kordhiyay cabsida laga qabo isku dhacyo hor leh.

Ciidamada taageersan Lafta Gareen ayaa sidoo kale sheegay inay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo ay ku tilmaameen “ciidamo kusoo duulay” magaalada Baydhabo.

Ilaa hadda dowladda federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin hanjabaadaha cusub ee kasoo baxay dhinaca taageersan maamulka Koonfur Galbeed.

Baydhabo oo ah xarunta siyaasadda iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay khilaafyo siyaasadeed iyo muranno amni oo la xiriira awood qaybsiga iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *